Madarasaddii Cabsida Badnayd – Sheekadii Cabiir
Sheekadan waxa ay ku dhacday gabar la yiraahdo Cabiir oo Sacuudiyaan ah, waxayna dhacday sanadkii 2012. Cabiir waxay dhiganeysay fasalka saddexaad ee dugsiga sare, waxayna xustay in ay ku nooleyd magaalada Riyaad laga soo bilaabo bilowgeedii dugsiga hoose ilaa fasalka 3aad ee dugsiga sare.
Markii la gaaray fasaxii dugsiga, oo ay u diyaar garowday inay u gudubto fasalka 4aad (Form 4), ayaa maalin galab ah, iyadoo guriga joogta, hooyadeedna huruddo, aabaheedna shaqada kasoo laabtay, wuxuu aabaheed ku yiri: “Aabo, waxaan kuu soo dhammeeyey warqadihii beddelka, waxaana lagu geynayaa madaraso cusub, magaaladaana waan ka guuraynaa, waxaan dagaynaa magaalo u dhow Jiddah.”
Cabiir oo aad uga naxday hadalkaas ayaa ku jawaabtay: “Aabo, ma dugsigeygii aan ilaa Form 3 kusoo qaatay baad iminka iga beddeleysaa? Asxaabteydii, macallimiinteydii, iyo wax walba waan luminayaa!”
Aabaheed ma uusan dhegaysan cabashadeeda, warqadihii beddelka ayuu farta ka saaray, kadibna qolkiisii ayuu iska galay. Cabiir oo ilmo kasoo daadatay ayaa hooyadeed u tagtay, iyadoo si murugo leh u weydiinaysa sababta guuritaanka degdegga ah. Hooyadeed waxay isku dayday inay dejiso, iyadoo ku tiri: “Waa ogaa in aabo magaalo kale loo beddelayo, laakiin ma ogayn geedigaan degdegga ah. Dhib malaha, Ilaahay kheyr ha noogu daro.”
Cabiir waxay durbadiiba bilowday inay asxaabteeda la xiriirto, si ay ugu sheegto guuritaanka iyo in ay macasalaameyso. Kadibna waxay billowday inay uruursato dharkeedii, buugaagteedii, iyo alaabteedii muhiimka u ahayd. Hooyadeed iyo aabaheed sidoo kale waxay diyaarsadeen alaabtoodii, halka walaalkeed weyn uu guriga joogayo, uuna safarka ka harayo.
Markii la gaaray 4:30 galabnimo, aabaheed ayaa u yeeray, isagoo leh: “Is diyaariya.” Boorsooyinkii ayay dibadda keeneen. Banaanka waxaa yaalay labo gaari: mid raaxo ah oo ay qoyska leeyihiin iyo mid shirkadda aabe ka shaqeyo leedahay, oo ah gawaarida safarka saxaraha loo isticmaalo.
Markii Cabiir aragtay in la raacayo gaariga shirkadda, ayay carootay oo tiri: “Aabo, maxaa gaarigaan dulufka ah nagu safrinaysaa, halkii aan gaarigeenna quruxda badan raaci lahayn?” Hooyadeed ayaa iyana la raacday, iyadoo diidmo muujinaysa. Aabo oo xanaaqay ayaa yiri: “Ma anigaa idin taliyo mise idinka ayaa ii talisaan? Waxa aan idin saaro ayaad raaceysaan!”
Ugu dambeyn, Cabiir iyo hooyadeed way iska aamuseen, safarkii ayaana la bilaabay. Markii la marayey meel shidaal looga shubayay gaariga, Cabiir ayaa tagtay supermarket si ay wax uga soo iibsato. Hal mar ayay dareentay nin si aan caadi ahayn u eegaya. Mar labaad ayay dib u fiirisay, ninkii wali isha kama qaadin. Kadib Cabiir alaabteedii ayay qaadatay gaarigeedina kusoo laabatay, hooyo iyo aabana waxba ma aysan la socodsiin .Markii safarkii la sii watay, waxay gaareen meel isgoys ah oo wadooyin badan leh. Aabaheed wuu wareeray, wuxuuna joojiyay gaariga si uu u hubiyo wadada saxda ah. Gaariga agtiisa waxaa joogay rag saarnaa gaari kale, kuwaas oo u sheegay in ay u socdaan isla magaalada ay usocdaan. Waxay yiraahdeen: “Laamiga hadaan marno, wareeg dheer ayay noqoneysaa. Waxaan kuu tilmaamaynaa waddo sahlan oo gaaban.”
Aabe oo u maleynaya inay caawinayaan, ayaa raacay. Cabiir ayaa si lama filaan ah u garatay in mid ka mid ah ragga gaariga saaran uu yahay isla ninkii supermarket-ka ku eegayay. Waxay hooyadeed iyo aabaheed u sheegtay in ay shakiga ay ka qabto raggaan mid ka mid ahna ow eegayay markii ay joogtay supermarket-ka, laakiin aabaheed ma rumeysan oo wuu xanaaqay. Wuxuu yiri: “Ma anigaa meel xun idin geynaya?”
Markii la sii socday, wadadu wey sii adkaatay, socodkuna wuu dheeraaday. Aabe wuxuu bilaabay inuu shakiyo, wuxuuna si lama filaan ah sare ugu qaaday xawaaraha gaariga, isagoo go’aansaday inuusan sii raacin. Ragii kale ayaa isku horjaray waxay ku yiraahdeen: “Maxaad isla waaleysaa?”
Cabiir iyo waxay ogaadeen in ay yihiin mooryaan doonaya inay dhacaan. Waxay dalbadeen dahabka ay Cabiir iyo hooyadeed xirnaayeen. Aabe, isagoo ka fekeraya badbaadada qoyskiisa, wuxuu amray inay dahabkii siiyaan. Cabiir iyo hooyadeed, iyagoo naxsan, ayay dahabkoodii iska fureen, aabe ayayna u dhiibeen. Aabe gacanta ayuu u taagay, si uu ragga ugu dhiibo, laakiin mid ka mid ah tuugada ayaa dareemay tuhun oo damcay inuu xoog ku qaato.
Aabe si lama filaan ah ayuu u weeraray ninkii, isagoo birta albaabka gaariga kaga dhuftay wajiga. Mid kale oo tuugada ka mid ah ayaa aabe si xun u garaacay. Cabiir, iyadoo cabsi la gariireysa, waxay si dhaqso leh u raadisay wax ay iskaga difaacaan. Markaas ayay xasuusatay dhalo Fanta ah oo ay supermarket-ka kasoo gadatay. Intay qabatay ayay xoog ugu dhufatay ninkii korka ka saarnaa aabaheed. Ninkii isla markiiba wuu wareeray.
Aabbe wuxuu arkay Cabiir oo haysa, haraagii dhaladii faanta, wuxuu dhahay “isii kheyr Alllaha ku siiyee”. faliiqii faantada ayuu ku garaacay ninkii kale oo saa’id ugu fusheeyey. Kadiba tuugadii waxay si degdeg ahi ugaleen gaarigoodii.
Cabiir iyo waalidkeed waxay si degdeg u kaxeeyeen gaarigoodii, iyagoo ka baxsaday tuugada. Nasiib wanaag waxay gaareen laamiga, kadibna waxay usii socdaaleen magaaladii ay u socdeen, iyagoo ka badbaaday dhagartii mooryaanta.
La soco qeybta 2aad, oo ay bilaaban doonto cabsi dhab ah! 💀