Dhibaatada ow leedahay Habaarka waalidka
Canug ayaa waydiiyey hooyadii, hooyo ma i necebtahay? waxa ay ugu jawaabtay Haa, maxaa yeelay way u xanaaqsaneed, canugii wuu murugooday, balse wuu u dhoola cadeeyey, kadib waxa uu aaday kushiinka, waxa uu damcay in uu soo qabsado saxan, gacantiisa ayuu ka dhacay wuuna jabay, markii ay maqashay hooyadii dhawaaqa saxanka, ayay u timid ayadoo dagdagaysa Oona xanaaqsan, waxa ayna ku habaartay geeri, canugii saa’id ayuu umurgay, kadib banoonigiisa ayuu qaatay banaanka ayuuna ubaxay si uu usoo ciyaaro, asigoo ciyaaraya, banoonigii ayaa wuxuu ka aaday dhanka laamiga, wuxuu is dhahay soo qabso asiga oo aan dhinacyada iska eegin,

laakiin gaari xawaare waaliya ku socday ayaa jug siiyay, hooyadii ayaa soo raadisay canugeedee, maxaa yeelay waxa uu ka dib dhacay xiligii uu imaan jiiray, waxay mooday in uu banooni iska ciyaaraayo, balse nasiib xumo waxa ay aragtay canugeedii oo dhulka yaal oo dhiig ku dhex jiro, waxay wacday ambaas ayadoo rajayneysa in canugeedi wali uu noolyahay, laakiin wuu geeriyooday, hooyadii waxay tiri : waxaan ka shalaayey in aan habaaray anigooo xanaaqsan, laga soo bilaabo geeridiisiina in ay habeen kasta u oyneyso.
walaala yaalow ka taxadara oo iska jira in aan ubadkiina habaartaan xiliga kasta qaasatan marka aad xanaaqsantihiin oo markaa aad noolaataan adinkoo shalaaynaaya inta ka dhiman cimrigiina.
Hadii uu u ku cajabiyey muuqaalka xaqiisa sii, wasalaamu calaykum.